Daawo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Mudane Dhuubane : – ” Waa dhaqan jirinimo in Xildhibaanadii Puntland qaarkood ka qaraabtaan Xafiisyada Kheyre iyo Farmaajo “

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Mudane Cabdirashiid Cali Xaashi( Dhuubane ) ayaa si adag u canbaareyey oo dhaqan jirinimo ku tilmaamay in qaar ka tirsan Xildhibaanada Puntland oo waliba Taariikh-xumadooda laga wada dhargsan yahay ay maanta bilaabaan in ay ka qaraabtaan Xafiisyada Amisom waardiyaha ka yihiin ee Farmaajo iyo Kheyre.

Mudane Dhuubane ayaa xusay in aan la aqbali karin in Xildhibaan sheeganya inuu matalo shacbiga Puntland uu ku sifoobo khaa’inul wadan la safan kooxda Nabar iyo Naxdin oo dagaal qaawan ku soo qaaday nabadgalyada iyo degaanshaha Shacbiga iyo Dawlada Puntland.

Mudane Cabdirashiid Cali Xaashi Dhuubane ayaa ugu baaqay Gudoonka iyo Gudiyada Anshaxa ee Golaha Wakiiladu in ay jawaab ummada Puntland qancis ka siiyaan falalkaa guracan ee ay cadeysteen kooxahaa Calooshooda u shaqeystayaasha ah ee dhawaan ka soo noqday kulandii ay ka soo qeyb galeen ee ka dhacay Xafiiska Kheyre 12 iyo 19 bishan Oktoboar.

Kulankii Xildhibaanadii Puntland ku tageen iyo shirkii ka dhacay Xafiiska Kheyr 12-19 Oktobar

Ugu danbeyntii Mudane Dhuubane ayaa Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ka raali galiyey Calyadii uu ku sayray Cawil Daad oo ahaa Agisimihii hore Xafiiska Madaxtooyada Puntland ee uu madaxda ka ahaa Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas

Halkan ka dhageyso Shirkii Jaraa’id ee Mudane Dhuubane

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<