Xildhibaan Fiqi : – “ Haddii xabad au ka dhacdo Dhuusamareeb oo Dhiig ku daato waxaa ka Masuul ah Kheyre ”

Xildhibaan Ahmed Moalin Fiqi

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah BF ayaa hoosta ka xariiqay in ay Masuuliyadeeda ay qaadayaan Villa Soomaaliya haddii dhiig ku daayo Galmudug.

Xildhibaan Fiqi oo hadal kooban soo dhigay Bartiisa facebook ayuu wuxuu sheegay in Galmudug iyadoo nabad ah in Ciidamo lagu soo daabuleeyey.

Maalinamadii hore ee maanta oo Sabti ah ayuu iyana wuxuu baaq u diray Ciidamada lageeyey Dhuusamareeb iyo raga hogaaminaya, wuxuuna ku yiri “ Ha geysanina Xasuuq Bini Aadan , Hadhow idinka saari meyso Amar baa nala siiyey, ogaadna waa la idin kula xisaabtamayaa waxaad geysataan ee ilaaliya Qodobka 127 ee Dastuurka.

Xildhibaan Fiqi wuxuu kaloo eed dusha uga tuuray Raysal wasaare Kheyre oo uu sheegay inuu Masuul ka yahay wixii Galmudug ka dhaca.

Hoos ka eeg Qoraalka Fiqi

<