Faalada warka Puntlandi ee maanta “Hadal lagasoo maanguuriyey Baraha Bulsshada oo Xildhibaan Reer Puntland ahi uu Madaxweyne Deni su’aall uga dhigay

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo saaka furay Kalfadhigii Baarlamaanka Puntland ayaa wuxuu la kulmay hadalada caadiga ka ah Baraha Bulshada ee internetka kadib markii mid kamida Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland uu isku dayay inuu su’aal waydiiyo Madaxweynaha.

Xildhibaanka ayaa dalbadey inuu su”sal waydiiyo Madaxweynaha wuxuuna yiri sidaan

  • Mudane Madaxweyne waxaad Xilka haysay Sagaal bilood wajiga dhabta ah ee Xukuumadaad hogaaminaysaa waxaa la moodaa inuu ku jiro maalmihii u dambeeyey Mudo Xileedkaaga (shanta sano ee Xilka Madaxweynaha), Waxaa Sagaalkaas bilood burburay kalsoonidii Shacabka Siyaasad ahaan iyo Akhlaaq ahaan, Waxaa bilowday Kacdoomo Bulsho oo Dowlada loogasoo horjeedo, Waxay Dadku walwal ka qabaan bad jirka jiritaankooda, waxaa u dambeysay Masaajidyadii oo bilaabay iney habaartamaan cabsi darteed, sidaa darteed Madaxweyne Khilaafka u dhexeeya adiga iyo Madaxweyne Xigeenka maadaama uu soo noqnoqdey oo uu Dadka kalsooni xumo ku abuuray, Sow ma haboona Adiga iyo Madaxweyne Xigeenkaagu inaad Xilka baneysaan si loo badbaadisho Bulshadeena, intuusan Baarlamaanku uusan jawaab ka bixin dareenks Bulshada ay Matalaan.”

Intaas kadib waxaa hadalkii qaatay Gudoomiyaha Basrlamaanka oo dareemay in hadalka Xildhibaanka uusan ahayn mid Siyaasadeed oo ku salaysan Xaqiiqda ka jirta Puntland wuxuuna Gudoomiyihu uu yiri…

  • Mudanayaal idinkoo Sharfan, Su”aalaha aad aad waydiineysaan Madaxweyneheena ha ahaadeen su’aalo HUFAN oo SHARFAN oo aan Personale attack-na (shaqsi weerar) aan ahayn Dadka iyo Dalkana masladxadiisa ah, Saasaan codsanayaa please(Fadlan)”.

Madaxweynaha ayaa hadalkii qaatay intaas kadib wuxuuna Madaxweyne Deni si cad u bayaamiyeyvwax qabadka Xukuumadiisa mudadii yareyd ee ay Xilka hayeen, wuxuuna Xildhibaanada ugu baaqay iney Shacabka u adeegaan, isagoo xasuusiyey in

Gudiimiyaha Basrlamaanku wuxuu muujiyey in hadalka Xildhibaanku uu yahay mid aan miisaan lahayn ama aan hufneyn oo u muuqda hadal fadhi ku dirir, wuxuuna uga dhigay Xildhibaanadavkale hadalada noocaas ah, wuxuuna si dadban ka raali galiyey Madaxweynaha hadalka Xildhibaanka. Waxaana hadalkiisii ka mid ahaa..

  • Xaqiiqda markii loo hadlo Dadka Xaqiiqda xogta Dalka ka haya ma ahan Baarlamaankii kaliya, Dalka xogtiisa waxaa haya Dadka Reer Puntland oo dhan, markaan Xilka qabanay meeshii Dalku joogay waad ogtihiin”..

Xildhibaanada Baarlamaanku waxay muujiyeen bisayl Siyaasadeed, Madaxweynuhu markuu wax yar hadalka waday waxaa hal marv is qabsadey Sacab ay Xildhibaadu ku muujiyeen kalsoonida ay u hayaan Xukuumada iyo iney ka xunyihiin in mid iyaga kamid ah uu Baarlamaankii ka dhigo Baraha Bulshada ee Internetka.

Puntland kama jiro kacdoon Bulsho, Ma jiraan heer ay Masaajidyadu ka hadlaan Siyaasada Puntland, Ma jiro khilaaf weyn oo dhexyaal Madaxda Dalka, Bulshada Puntland 5 tii Qofba 4 kamida waxay aaminsan yihiin in Xukuumada Madaxweyne Deni sagaalkaas bilood ee ay jirtay intay qabatay ineysan jirin Xukuumad Puntland u qabatay, haday Amaan ahaan lahayd , haday Ganacsiga ahaan lahayd, hadey kobcinta Bulshada ahaan lahayd, Haday Dhismaha Ciidanka ahaan lahayd, haday sare u qaadida Magaca iyo Calanka Puntland ahaan lahayd iyo haday ahaan lahayd balaarinta Deegaanada ay gaarsiisan tahay Awooda Dowladnimada(Gobolada maqnaa)

Puntlandi.com

<