Dowlada Federaalka oo ka aamustay Reer Baledweyne, Shacabku gargaar deg deg ah ayay u baahan yihiin, Sawiro

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey iney iska indha torden Xaalada ay ku sugan tahay Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan oo Wabigu kusoo fatahmey.

Shacabka Gobolka ayaa ladagaalanka dhacaya sidey uga badbaadi lahaayeen Xaalada Adag ee ay ku jiraan, Waxaana laga cabsi qabaa incuduro ay ka dilaacaan hadaysan Shacabku aysan helin Gurmad deg deg ah.

Dowlada Federaalku waxay Diyaarada Ciidan ah ay u direen Dhuusamareeb waxayna ka indhasaabteen maqaadiirta biniaadanimo ee lasoo. Daristey Reer Baledweyne.

Mid ka mida Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo Saxaafada la hadlay wuxuu yiri ..,

  • Waa wax laga xumaadey iney Dowladii Federaalku ay lacago ku bixiyo in la abuuro colaad xili Shacabku Wabigii kusoo Fatahay ay Caruur iyo hooyooyin ku jiraan, ayna la tacaalayaan iney ka badbaadaan biyaha, Waxaan ka codsaneynaa Shacabka Soomaaliyeed gudo iyo Dibada gurmad deg deg ah.

Sida aad Sawirada ku aragtaan Magaalada Baledweyne waxay ku jirtaa Xaalad qalafsan oo boqolaal Qoys ah ku wax yeeloobeen, ilaa hadana gurmad muuqda ma aysan helin.

Puntlandi.com

<