Daawo : – Waa Guul Madaxweyne Siciid Deni oo si adag ugu jawaabay, kuna baraarugay khatarta Calooshooda u shaqeystayaasha Xamar laga soo Abaabulo

Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta ka qeyb galay furitaankii kal fadhigii labaad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa si geesnimo iyo kalsooni buuxdaa ka muuqato ugu jawaabay kooxo abaabulan oo qaarkood Xildhibaano yihiin, oo hawlo xaalad abuur iyo qas ah mudooyinkii ugu danbeeyeyba ka waday gudah Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku baraarugay khatarta kooxaha gacansaarka la leh, isla markaana u adeega Xukuumada Farmaajo ay ku hayaan Shacbiga iyo Dawlada Puntland.

Waxaan in dhaweydba isa soo taraayey dareenka iyo digniinaha ay bixinayeen waxgaradka iyo aqoonyahanka Puntland, oo Xukuumada Puntland ugu baaqayey in ay la timaado Siyaasad Amni oo looga hortagaayo kooxo calooshooda u shaqeysatayaal ah oo laga soo abaabulo Magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo adeegsanaayo sidii ay waxyeelo ugu geysan lahaayeen Amaanka,deganaansha iyo nabadgalyada Shacbiga iyo Dawlada Puntland.

Kooxan abaabulan ee lacagaha sandareertada ah looga soo diro xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa gudaha Puntland ka wada hawlo ah iska horkeenka Shacbiga iyo Xukuumada Puntland, iyagoo sidii jirjiroolihii magacyo iyo muqaalo kala gadisan wata, dhamaantoodana ka siman oo ku hawl gala fariimaha cadaawada iyo kharbudaada xambaarsan ee looga soo diro Xafiisyada Raisal Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo.

Kooxahaas oo isugu jira kuwo daalacan iyo kuwo qarsoon oo ashuun ku adima ayaa qaarkood maanta ka dhex hilaaceen xafladii furitaankii kalfadhigii labaad ee golaha Wakiilada Puntland, iyadoo uu jiro tuhun ah in fariimihii ay gudbinayeen maanta in golaha dhexdiisa looga soo meeriyey !!!!!.

Ma aha markii ugu horeysay ee Xukuumadaha Macmacalka ah Somaaliya loo dhisaa ay khatar amni iyo weerer kharbudaad oo qaawan ku soo qaadan Shacbiga iyo Xukuumada Puntland, iyagoo adeegsanya Hantida iyo Lacagaha yar ee deeqaha ah ee loogu talo galay Shacbiga Somaaliyeed ee diifeysan.

Sidaan ka wada warqabno Dawladii ku-meelgaarka aheyd ee uu magaalada Carta ku macmalay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo kaashaneysa Dawlado Carbeed oo cadow ah ayaa sannadkii 2001 dulaan ku soo qaaday Dawlada iyo Shacbiga Puntland oo ay xagga fekerka dawladnimo isku khilaafsanayeen.

Raisal Wasaarihii Dawladii Carta ee wakhtigaas oo uu madaxweyne ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Boy waa Dr.Cali Khaliif Galeyr ayaa si daahfurnaan ah u qirtay,kana baahiyey wareysiyo uu siiyey Tefeshinada Somaalida in Xukuumadisii ay Lacago farabadan u soo diri jirtay kooxo iyo shakhsiyaad ay iyagu abaabuleen,kuwaas oo ay u direen shaqo aheyd in ay burburiyaan,isla markaana wiiqaan jiritaanka,nabadgalayda iyo midnimada Shacbiga iyo Xukuumada Puntland, si ay u rumoowdo riyada ilaa hadda ay qabaan Guulwadayaashii Kacaanka ee ah in dib Dadka Somaaliyeed ee qaxay oo dhan, iyagoo maxaabiis ah dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho,halkaasna dib loogu askumo xukun kaligii talis ah oo ummada Somaaliyeed mar kale u horseeda burbur iyo baaba’.

FIIRO GAAR : Puntlandi waxay ka cudurdaranysaa ama ka xishootay in ay soo bandhigto Video-ga wareysiga Dr.Galeyr uu ku sheegayo inuu Lacago wax lagu kharibaayo u soo diray Shaksiyaad Reer Puntland ah ( Shakhsiyaadkaa oo Allaah ha u naxariisto qaarkood dhinteen,iskana difaaci karin eedahaas Dr.Galeyr.
Waanu ka joogsanay in aanu soo qadino,lakiin qofkii u baahan waxa uu ka heli karaa Youtube.Com).

Waxaa muuqada in Hayahada Aminga ee Puntland,Garsoorka,Xeer-ilaalint iyo Guud ahaan Xukuumada Puntland ay ka gaabisay in ay guntiga giijistaan oo ka hortagaan kooxaha Calooshooda u shaqeystayaasha ah ee qaska iyo kharbudaad abaabulan, ee lagu waxyelaynaayo jiritaanka Shacibiga iyo Xukuumada ka dhex wada carrada Puntland.

Dhacdooyinkii iyo Hawlahii ugu danbeeyey ee Kooxaha Lacagaha looga soo diryo Xafiiska Farmaajo ka fuliyeen Puntland ayaa waxa ugu waaweynaa :

– Martiqaadikii iyo horboodkii Xubno jooga Gaalkacyo u sameeyeen Raisal Wasaare Kheyre oo sifo ah qardo-jeex Siyaasadeed iyo is-indha tirid, ciyaalo suuqnimo ku dheehan kula kacay Dawlada Puntland.

– Kacdoonada,Eed-sheegashada iyo Tabsshada Kooxo sheeganya Beelo Puntland oo si silsilado ama Muslasalaad ah maalin walba Xeyn la hor keenyo Telefeeshinada.

– Qaaqle-nimada Siyaasadeed oo looga hor imaanyo hawlaha iyo talaabooyinka siyaasadeed ee xorta ah ee Dawlada Puntland ay ku cabireyso Fikirkeeda iyo Argtideeda Siyaasadeed ku wajahan tubta loo marayo sidii xal kama dambeysa ah looga gaari lahaa Asmada Siyaadaseed,Dhaqaale,Ami iyo mida bulsho ee ka jirta Somaaliya.

-Martiqaadayo aan lagala tashan Shacbiga iyo Xukuumada Puntland, isla markaana aan wax dan iyo faa’iido ahi ugu jirin Shacbiga Puntland oo Hayadaha Cilmi baarista ee Puntland,Jaamacadaha iyo Daladaha Waxbarasha,Ururada aan Dawliga aheyn, Shakhsiyaad sheegta in kuxiran yihiin ama wakiilo u yihiin Xisbiyada ka jira Muqdisho, ay ku casuumayaan Dad iyo kooxo Siyaasadeed oo la ogyahay naceybka iyo cadaawada ay u qabaan Shacbiga iyo Xukuumada Puntland.

Tusaale : Waxay aheyd wax laga xishoodo oo ceeb ku ah Shacbiga iyo Xukuumada Puntland in usbuucii hore Hayada Cilmi Baarista ee Puntland ( PDRC) ay xarunteeda Garoowe ku casuunto, oo ay hadal ka jeediso Wakiilka Maamulka Somalidiidka ah ee Hargeysa u fadhida magaalada Muqdisho Marwo Foosiyo Yusuf Xaaji Aadan.

Marwo Foosiyo waa Shakhsiyada u taagan,isla markaana aan qarsan sheegashada iyo difaaca deegaanda xooga lagu heysto ee Sool iyo Sanaag ee Puntland.

Xarunta iyo Hogaanka PDRC waxay cadeysteen in aanay wax dareen ah la wadaagin,isla markaana aanay ka xishooneyn Shacbiga Gobolada Sool,Sanaag iyo guud ahaan Puntland markay Casuumeen Marwo Foosiyo.

– Kooxahan Calooshooda u shaqeystayaasha ahi iyagoo ka faa’iideysanya dabca iyo habacsanaanta ka jirta hayadaha sirdoonka Puntland,Hogaank Socdaalka iyo Booliska Garoomada iyo Xuduudaha Puntland waxay Dalka ku soo hogaamiyaan oo qariyaan, isla markaan gabaad u noqdaan cid walba oo ujeedo badan ah oo puntland u timaada in ay wax kharibaan, ama been ka faafiyaan ama ku dhex faafiyaan, iyadoo ay ugu danbeysay dhacdadii Magaalada Boosaaso Kooxda Farmaajo ay ugu soo tahribiyeen Ciyaalka ay shilimaadka siyaan,isla markaana dadka u caaya ee fadhiya Social Media mid ka mida oo lagu magacaabo Teera,kaas oo la sheegay in uu muqaalo qarsoodi ah ka qaatay meelo ka mid ah magaalada Bosaaso.

– Kooxda Alictisaam ( Ex-Itixaad ) oo ah hogaamiyaasha Ruuxiga ah ee la shaqeysta Maamulka Farmaajo ayaa si aan gabasho iyo xishood laheyn Manbarada Masaajidada Puntland la-jahraaya Probogaandooyin Siyaasadeed oo looga soo horjeedo Hogaanka sare ee Dawlada Puntland, iyadoo sidoo kale Shacbiga Puntland ee Musaliyiinta ah ee soo camiro Masaajida lagu wacdinaayo oo Diin iyo Xaq looga dhigaayo in ay taageeraan Xukuumada Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre.

Waxaynu ogeyn Culumada Puntland oo sannad ka hor canbaareynaaya Shirkii Madasha Wadatashiga Maamulada Somaaliyeed uga socday Magaalada Kismaayo.

Waligaa arkimeysid Alitixaada Puntland oo mashaariicada horumarinta Puntland ka qeyb qaadanya, ama Sadaqo iyo Tabarucaad u uruurinata Shacbiga tabaaleysan ee ku nool Puntland, lakiin maalin walba waxay Telefishonada ka soo muuqdaan iyagoo Tabarucaad Malaayiin Dollar ah Xamar ula sii ordaaya !!!!! Nasiib daro hadda waxay keneen in ay mar kale colaad ka huriyaan Puntland si la mid sidii ay dagaalada ugu soo qaadeen shacbiga Puntland sannadkii 1993 iyagoo u adeegaya Cadowga Puntland

Ugu danbeyntii waxaa la gaaray wakhtigii Xukuumada iyo Shacbiga Puntland ay fiiro gaar ah u yeelan lahayeen gafanayaasha lagu dhex koriyo ee u adeega Cadowga Puntland.

Halkan ka fiirso Madaxweyne Deni oo si fiican isaga waabiyey maanta dulaankii ay ku soo qaaden Gafanayaashii Garowe – Gaalkacyo Road Project.

<