Cabdiraxmaan Odowaa oo Shir jaraa’ad Ka qabtay xaalada Dhuusamareeb

Musharaxa Madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Odowaa ayaa maanta wuxuu Magaalada Muqdisho ku qabtay Shir jaraa’id oo uga hadlay Xaalada kasoo dareysa ee Magaalada Dhuusamareeb.

Odowaa wuxuu sheegay in markuu arkay in Dhuusamareeb ay u muqatobiney isku hardiyaan DowladacFederaalka iyo AhlubSuna uu doorbidey inuu baaq diro.

Odowaa wuxuu ugu baaqay labada dhinac iney deg deg u joojiyaan xurguf siyaasadeedka oo ay ka laabtaan Labadii Gudi ee ay Kala Magacaabeen, wuxuu kaloo Odowaa uu ka dalbadey Waxgaradka Galmudug iney isugu yimaadaan Gogol ay kusoo dhisayaan Maamul loo dhan yahay.

Wuxuu baaq u diray Xukuumada Federaalka oo uu ugu baaqay iney si deg deg ah lagasoo celisovCiidamadaxay Dhuusamareeb geeyeen wuxuuna yiri..

Galmudug waxaa la dhisay 2015 iyadoo intaas ka Gabar yar, wax Ciidan ah oo Xamar laga qaadeyna Lama geyn, Galmudug Ciidan ku filan Amaankeeda Way haysataa, waa inaad kasoo celisaan Ciidamada la geeyey”.

Khilaafka u dhexeeya Maamulka Ahlu Suna iyo Villa Soomaaliya ayaa keeney in Xukuumada Federaalku ay Ciidamo ka soo buuxiso Dhuusaamareeb , Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com ay sheegtatæyna Ahlu Suna waxay iyana Magaalada isugu keeneen Ciidamadooda oo kakala yimid Deegaanada Gobolka.

Cabdiraxmaan Odowaa oo kamida Musharixiinta u tartami doona Madaxweynaha Galmudug wuxuu kaloo ku baaqay in Xildhibaanada Federaalka ee Reer Galmudug ay ka qayb qaataan sidii ay Doorasho uga dhici lahayd Galmudug.

Odowaa wuxuu kamid yahay Siyaasiyiinta saluugsan Faragalinta ay Villa Soomaaliya ku heyso Galmudug.

Puntland iyo Jubbaland iyo Waliba Xisbiyada Dalka ayaa iyana dhowr jeer kusoo celceliyey in la ilaaliyo Dastuurka ayna Villa Soomaaliya ay faraha kala baxdo Doorashada Galmudug.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<