Breaking News— Ciidamada Dowlada Federaalka oo isku gadaamey Dhismayaal ku yaal Dhuusamareeb

Warar rasmi sh oo Warbaahinta Puntlandi.com ka helayso Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Xaalada Magaalada ay caawa kacsan tahay kadib markii Ciidamada Dowlada Federaalku ay Salaadii cishe ay Gudaha usoo galeen Magaalada.

Ciidamada ayaa Isku gadaamay Xaafadaha Magaalada ee ugu dhaqdhaqaaqa badan waxayna Shacabka ku abuureen Walwal Amaan xumo.

Dhinaca kele waxaa shirar u socdaan Ehlu Suna iyo Odiøoyaal dhaqameedka Magaalada, halka Ciidamada Ahlu Suna ay iyana ku jiraan is urursi.

Waxaa laga cabsi qabaa in waabariga subixii ay isku dhamaan Ciidamada isku hor fadhiya Magaalada.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<