Breaking News—- Ahlu Suna oo Ciidamadeedii isu keentay Dhuusamareeb iyo Xaalada oo sii adkaanaysa


Deegaan dhowra oo ka tirsan Gobolka Galgaduud waxaa saaka ka yimid Ciidan hubeysan oo ka tirsan Ciidamada iyo taageerayaasha Ahlu Suna Wal-jameeca kuwasoo soo galay Magaalada Dhuusamareeb.

Dowlada Federaalka ayaa iyana keenay Magaalada Ciidan ay Hawada soo mariyeen, waxaana hada muuqata in Lai si hub urur sanayo.

Madaxda Sare ee Ahlu Suna ayaa kulan ay Xalay yeesheen waxay soo saareen Amar ay ku amreen in gabi ahaan Ciidamada Jameecadu ay isugu yimaadaan Dhuusamareeb, cutub yadii ugu horeeyey goor dhaweyd ayay soo gaareen Xarunta Ahlu Suna ee Duleedka Dhuusamareeb.

Waxaa iyana Magaalada duleedkeeda ku sugan Ciidan Amisom ah kuwasoo isku daawanaya Villa Soomaaliya iyo Ahlu Suna.

Salaadii duhur ee maanta oo sabti ah waxay Dhuusamareeb ahayd goob u muuqataa goob colaadeed.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadi Cumar oo Guriceel ku sugan ayaa Puntlandi.com aadka teleefoonka ku yiri…

  • “ Hadii xabadxay ka dhacdo Dhuusamareeb waxaa Masuuliyadeeda leh Villa Soomaaliya, waxayna taasi muujin doontaa in Xukuumada Federaalku fashilantay ayna Qas ka abuurtay Dhul nabdoonaa oo kamid ahaa Deegaanka ugu nabdoon Soomaaliya, waa nasiib daro inCiidankii loo Bahamaa iney Shabaab la dagaalamaan ay maanta usoo direen Dhul nabdoon iney dhigi ku daadiyaan, wax la aqbalo doono ma ahan”.

kala soco Puntlandi.com Xaalada Dhuusamareeb .

 

puntlandi.com

Gaalkacyo

<