Ahlu Suna oo Ciidan urursi bilowday iyo DF oo Ciidan kasoo buuxisay Dhuusamareeb

Xiisada Dhuusamareeb ayaa cirka isku shareertay kadib markii Dowlada Federaalku ay Ciidamo dheeraada keentay Dhuusamareeb.

Ahlu Suna ayaa dhankooda wada Abaabul ay dib isugu keenayaan Awoodooda Ciidamo tasoo keentay in Magaalada laga dareno dhaqdhaqaaq Ciidan oo aan horay loogu arki jirin.

Sargaal ka tirsan Ahlu Suna oo aan Gaalkacyo kula kulanay ayaa Puntlandi.com u sheegay in Khilaafka Ahlu Suna iyo Villa Soomaaliya uu salka ku hayo saameyn ku yeelashada Doorashada, wuxuu sheegay in Villa Soomaaliya ay isku dayday inay wax u yeeriso Maamulka Galmudug iyagoon wax saameyn ah ama wada tashi aan laga siin Gudiga Doorashada tasaana keentay in Ahlu Suna ay iyana soo magacaabaan Gudi cusub.

Xaalada Dhuusamareeb ayaa hada maraysa xaalad Adag,labada dhinacna mid walbaa wuxuu doonayaa inuu Doorashada Maamulo.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<