Xaaf oo lagala wareegay Galmudug iyo Buuq wali ka taagan Dhuusamareeb


Waxaa Dhuusamareeb ku baratamaya laba Gudi Doorasho oo mid walbaa uu doonayo iney qaban qaabiyaan Doorashada Galmudug, waxayna hada u muuqataa in Laba Doorasho oo iskasoo hor jeeda ay qaban qaabadeedu Socoto.

Madaxa Siyaasada Galmudug Sheikh Shaakir oo maalmo ka hor soo magacaabay Gudiga Doorashada ayaa wuxuu Xalay la kulmay Gudihiisa wuxuuna faray iney cadaalad ku shaqeeyaan ayna shaqadooda u gutaan si deg deg ah, wuxuu sheegay in culaysyo Siyaasadeed ay jiraan loona baahan yahay in si foojignasn ah ay Doorashadu ku dhacdo.

Dhanka kale isla Dhuusamareeb waxaa saaka ku sugan Gudigii ay Wasaarada Arimaha Gudaha DF ay soo Magacawday, waxayna Magaalada kawadaan kulamo kasoo horjeedaa Ahlu Suna.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf Ayaan ilaa hada wax wara laga heyn tan iyo markii lakala magacaabay labada Gudi, waxayna u muuqataa in talo ay farihiisa ka Baxdey isla Markaasna Galmugugtiisii ay Rag kale ku baratamayaan.

Cadaado

Garabka Sadexaad ee Galmudug ee fadhigoodu yahay Cadaado waxay kasoo hor jeedaan labada Gudi, waxayna horay u sheegeen ineysan taageersaneyn qaabka wax loo wado Waxayna ku eedeeyeen Dowlada Federaalka iney afduubtay Galmudug ayna faragalin bilaa sharci ah ay ku hayaan Galmudug.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<