TACSI : – Xaaji Cabdullaahi Cumar Ismaaciil ( Casaro ) oo maanta ku geeriyooday Magaalda Shaariqa ee Dalka Imaaradka

Rabbi ha u naxariisto waxaa maanta oo Khamiis ah 24.10.2019 ku geeriyooday magaalada Shaariqa ee Dalka Isutaga Imaaradka Carabta Xaaji Cabdulaahi Cumar Ismaaciil (Casaro)

Marxuum Xaaji Casaro ayaa ahaa Alle yaqaan, ganacsade iyo samafale.

Sidoo kale Xaajiga ayaa ahaa shakhsi taqwa badan, axsaan badan, deeqsi ah. Cimrigiisii oo dhan ku bixiyay caawinta iyo u gargaarida umadda Soomaliyeed, gaar ahaan umadda ku dhaqan Dawlad Goboleedka Somaaliyeed ee Puntland.

Tiir nabada iyo maslaxada caamka ah Odey u taagan, lahaana kaalin hogaamineed,oo doorar kala duwan leh ayuu ahaa, wuxuu wakhtigiisa ugu badan ku soo bixiyay danta guud iyo inuu garab u noqdo masaakiinta iyo inta itaalka yar.

Taariikh mug weyn iyo halgan dheer ayuu soo maray, kuna dhex lahaa Shacbiga Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaliyeed dhinac walba.

EEBE Janatul Fardowsa ha ka waraabiyo, dhamaan ehelka, asxaabta, iyo intii taqaanay oo dhana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. Aameen Aameen.

Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakada Puntlandi waxay iyagoo ka tiiranyeysan Geeridaa naxdinta leh ee ku timid Xaaji Cabdullaahu Cumar Ismaaciil ( Casaro ) ay Tacsi u dirayaan Qoyskii,Qarabadii,Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Puntland ee uu ka baxay Marxuumku

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<