Raysal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Ruushka oo kawada hadlay Amaanka Geeska Afrika

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed ayaa wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,kulankaas ayaa looga hadlay Amaanka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Itoobiya waxay Ruushka hordhigeen codsi ku saabsan ka caawinta kobcinta Iyo Qalabeynta Ciidanka Itoobiya.

Waxay ka wada hadleen oo kale Ganacsiga iyo in laga caawiyo Itoobiya iney dhisato Warshad Nukliyeer ay u isticmaalaan soo saarida Tamarta korontada.

Itoobiya waxa ku baryo tagtay in Ay qayb weyn ka qaataan Amaanka Geeska Afrika iyagoo tusaale usoo qaatay Ciidamadooda ka howl gala Soomaaliya, tasoo Ruushka soo dhaweyey.

Itoobiya waxay Shirka ka sheegtay in ay Soomaaliya ahayd wadan bahalo galeen ah oo Argagixisada ku habsatay balse ay Ciidamada Itoobiya ay kusoo celiyeen Amaan ayna la dagaalameen Argagixisada.

Sawirada hoos ka daawo
Puntlandi.com

<