Gudiga Doorashada Puntland oo la kulmay qaar kamid ah Siyaasiyiinta

Gudiga KMG ah ee Doorashooyinka oo dhowaan lamagacaabay ayaa maanta waxay u yeereen qaar kamid ah Siyaasiyiinta muga weyn ku leh Puntland si ay ula tashadaa.

Gudiga ayaa loo igmaday iney kasoo shaqeeyaan Hanaan Doorasho oo looga gudbo qaabka Doorasho ee 21 sano lasoo dhaafay wax lagu soo dooranayay.

Cali Xaaji Warsame Wasiirkii hore ee Waxbarashada isla markaasna kasoo mid noqdey Siyaasiyiintii u tartamaya Doorashada Madaxweynaha Puntland iyo Cabdi Farax Juxs Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland isla markaasna Ahaa Musharax Madaxweyne ee Puntland doona noqdey Wasiirkii Arimaha Gudaha DF ayaa kamid ahaa Siyaasiyiinta la kulmay Gudiga.

Cali Xaaji Warsame oo ka hadlay madasha ayaa wuxuu soo dhaweeyey Magacaabida Gudiga iyo Shaqada ay durba bilaabeen wuxuuna yiri..

  • Waan soo dhaweynaya magacaabida Gudigaan, Waxaa loo baahan yahay in Puntland ay ka guurtocqaabkii ay wax wax usoo dooran jirtay waxaa loo baahan yahay in Shacabku ay soo doortaan Xildhibaanadooda iyo Hogaamiyohooda”.

Mudane. Juxa ayaa isna sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Puntland ay ka talaabsato Qaabkii hore, loona guuro Nidaamka ay Shacabku kusoo doortaan Dadka matalaya Baarlamasn iyo Madaxweyneba.

Gudiga Doorashada Puntland ayaa hada bilaabay iney raadiyaan talooyin ku aadan Shaqadooda iyo qaabka ay suurtagal u tahay in lasameeyo Diiwaan galinta cod bixiyaasha.

Waxaa xusid mudan in Xukuumadihii hore ee Puntland ay ku guul dareysteen iney Dalka Gaarsiiyaan Nidaamka Xisbiyada iyadoo haday u Madaxweyne Deni balan qaadey in Xukuumadiisu ay ka shaqayn doonto sidii Doorasho xor iyo Qof iyo codkiiscah ay uga dhici lahayd Puntland, laakiin su’aasha ay Dad badan isweydiinayaan ayaa waxay tahay Balan qaadka Denibma ka duwanaan Doonaa Kuwii Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Faroole, oo Kale.

♦Sawirada hoos ka daawo

Ma kula tahay in Puntland ay Doorashada dambe ay ka guurayso Nidaamka 66 Xildhibaan io ay Dalka ka dhici doonto Doorasho Xor ah Qof iyo Cod, Mase kula tahay in Madaxweyne Deni uu Puntland gaarsiin doono Nidaamka Xisbiyada?

Fikirkaagac Qoraal ahaan noogusoo dir Post@puntlandi.com

<