Doorashada Galmudug oo qasweyn ka taagan yahay


Maalmahaan waxaavxoogaystay Khilaafka ka dhex Aloosan Abaabulka Doorashada Galmudug, waxaa lasoo saaray laba Gudi oo iskasoo horjeedaa.

Cabdiraxmaan Maxamed Hussein (Odowaa) iyo Kamaal Daahir Xasan (Guutaale) oo kamid sh Musharixiinta waxay maanta sheegeen Qasweyn uu ka jiro Deegaanka, isla markaasna waxay walwal kamuujiyeen Soo xukida Xildhibaanada.

Dowlada Federaalku waxay ku guul dareysatay Mushruuca Doorashada oo ay markii horeba wado qaldan u martay, waana tan keentay in la isdaba yaaco.

Ahlu Suna oo horey heshiis ula gashay Villa Soomaaliya waxay hada ka laabatay Heshiiskaas.

Ilaa markii ay Xukuumada Federaalku soo Faragalisay Doorashada Galmudug waxaa lumay kalsoonidii lagu qabay in ay halkaas ka hano qaado Maamul Goboleed la tartami kara Maamulada kale.

Faragalinta Xukuumadu waxay dhalisay iney lunto kalsoonidii ka dhaxaysa Saamilayda Gobolka.

Waxaa iyana meesha ka baxay in ay si xor ah isugu yimaadaan Beelaha Deegaanku si ay usoo dhistaan Maamul haysta kalsoonida Shacabka sababtoo ah Waxaa afdunstningen ku qabsadey Dowlada Federaalka.

Ayaan darada heysata Galmudug waxaa sabab uvan Siyaasiyiinta Deegaanka oo ku shaqeeya Shilimaadka lagasoo Xawilo Muqdisho, Doorashadii kal hore xiligii Madaxweyne Xasan Sheikh waxay ahayd mid aannwaxba ka duwaneyn tan hada socota, Waana tan sababta u ah in maanta ay halkaas taalo Galmudug.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<