Beesha Caalamka oo si dadban ula shaqaynayaa Jubbaland

Tan iyo Markii mar labaad la doortay Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa taagnaa Buuq Siyaasadeed oo u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Kismasyo, Waxaa jiray walina taagan Cadaadis ay Villa Soomaaliya ku heyso Jubbaland kasoo sameeyey Xiriirka Beesha Caalamka iyo Jubbaland.

Dowlada Federaalka ayaa dhowr jeer isku dayday in ay Beesha Caalamka ka hor istaagto Kismasyo laakiin waxaa hada soo baxay in Beesha Caalamku ay si dadban oo toosa ay ula shaqayso Jubbaland.

Dhaqaalaha lagu caawiyo Soomaaliya waxaa hada ay Jubbaland u heshay qaybteeda si toosa, Taasna waxay muujinaysaa in Beesha Caalamku aysan ku aamineyn Iney Villa Soomaaliya ay wax ugu dhiibto Jubbaland.

Wararka ay helayaan Puntlandi waxay sheegayaan in Jubbaland iyo Beesha Caalamkuvay hada wada shaqeeyaan.

Puntlandi.com
Kismaayo

<