Villa Soomaaliya “Ciidan qaran uma baahnin waxaa Amisom Noo badalaya walaaleheen Turki iyo Eritrea”

Somali soldiers patrol Sanguuni military base south of Mogadishu, Somalia, on June 13, where African Union Mission to Somalia (AMISOM) and about 500 American forces support the Somali National Army in counterterrorism operations. (MOHAMED ABDIWAHAB/AFP/Getty Images)

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay Qorshaynayaan in Amisom ay badalaan ciidamo kale oo shisheeye, dalabkaan ayaa waxay Villa Soomaaliya u gudbiyeen Qaramada Midoobey.

Deeq bixiyaasha caawiya Soomaaliya waxay Malaayiin Dollar ku kharash gareeyeen Dhismaha Ciidan Qaran oo mustaqbalka badala Kuwa Amisom.

Laakiin Masuuliyiintii Loo igmaday inay Dalka kasaaraan Amisom oo ay dhisaan ciidan Qaran oo shaqada Amisom lacwareega waxay hada soo bandhigeen fikir meesha looga saarayo iney Soomaaliya ay Ciidan yeelato.

Xukuumada Raysal wasaare Kheyre waxay u ololaynayaan in Amisom lagu badalo Ciidamo shisheeye oo hor leh.

“Waa khatar hor leh oo Nidaamka Dowladnimada Lagu wiiqayo, waana Siyaasad xumada Soomaaliya lasoo daristey, waana dano shisheeye “ Waxaa sidaas yiri Fasrax Axmed Gees oo Arimaha Siyaasada Falan qeeya.

Dowlada Federaalkuvwaxay shalay soo bandhigeen Qorshe Ciidamada Amisom loogu badalayo Ciidamo Turki iyo Eritrea ah.

Puntlandi.com
Garowe

<