Gudoomiyayaasha Gobolada Puntland oo soo dhaweeyey go”aankii Dowlada ee ku aadanaa

Gudoomiyayaasha Gobolada Puntland ayaa isku raacay ineysan aqbalayn Xafiisyo Siyaasadeed oo Dalka laga furo iyagoon marka hore soo marin Nidaamka Fowliga ah iyo Xafiisyada ku shaqada leh.

Waxay soo dhaweeyey go’aankii ay soo saartay Dowlada Puntland ee ay ku manuucaysay Xafiisyada ay sheegeen iney Gudaha Puntland ka furanayaan Shaqsiyaad u shaqeeya Dowlada Federaalka.

Wararka ay Puntlandi.com helayaan waxay sheegayaan in Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaasha Gobolada ay ka wada hadleen qaabka loola dagaalami karo Ururada Siyaasada iyo Shaqsiyaadka furanaya Xafiisyada bal maraan sharciga.

Nidaamka Dimoqoraadiyada waxaa caado ah in Marka hore la diiwaan galiyo oo ogolaansho laga raadsado Maamulka intaas lagu dhaqaaqin talaabada noocaan ah,waana tan ay Puntland doonayso ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland.

Wasiirka Qorsheynta Dowlada Federaalka ayaa isku dayday inuu xafiis ka furyo Gudaha Puntland isagoo wax sharci ah soo marin, Waxayna Dowlada Puntland ku wargalæisay Masuuliyiinta Xamar jooga ee ee kasoo jeeda Puntland inay Sharciga u hogaan dhamaan.

Puntlandi.com
Garowe

<