Kenya oo ka laaban lahayd Kiiska Bada hadii laga diidi lahaa wakhti kordhinta, Dowlada Soomaaliya oo u fududeysay…

Warar Rasmi ah oo lagasoo xigtey Qareenka lagu magacaabo Paul Nyamod ayuu Sheegay in Kenya ay qarka u saarayd iney kaba laabato Ku doodida ay ku doodeyso iney leedahay Bada la isku heysto hadii Maxkamada Aduunku ay diidi lahayd codsigii Kenya ee ahaa in dib loogu dhigo Kiiska.

Paul Nyamod Wuxuu sheegay in Kiiskaan ay Kenya ka rajo dhigtay markii hore ayna u arkaysay ineysan guul ka gaarayn, Dhowr jeerna waxaa lagula taliyey iney ka laabato, Isku daygii u dambeeyey ayay ahayd in ay Kenya dalbato in dib loogu dhigo, hadii isku Daugaard laga diidi lahaa, Kenya Kiiska dhan Way ka laaban lahayd , Dacwadaan halkaasay ku dhamaan lahayd, Waxaana si toosa loogu xukumi lahaa Soomaaliya.

Laakiin waxaa Kenya u furantay daaqad rajo, Markii la aqbalay codsigii Kenya, wuxuu intaas raaciyey in Soomaaliya qudheedu ay ogolaatay in la aqbalo Codsigii Kenya, Dadaal dheer oo Kenya galisay awgeed.

Puntlandi.com
Nairobi

<