Breaking News—Madaxweyne Deni oo Golihiisa Wasiirada isku shaandheyn ku samayn doona

Warar hordhac ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni uu dhowaann isku shaandheynayo Golihiisa Wasiirada.

Mudo toban bilood ku dhow ayay Xukuumadaan jirtaa, Waxaana badanaa Xukuumada cusub lagu magacaabo Campain ministers, oo macneheedu yahay Madaxweynaha Cusub wuxuu isagoo ilaalinaya Wakhtiga soo magacaabida Wasiirada iyo Beelo qancin wuxuu iska magacaabaa Wasiiro iyo kuxigeenadooda, Laakiin sanad ama wakhti ka badan kadib ayuu soo dhisaa Xukuumadiisa rasmiga ah.

Madaxweynuhu wuxuu dhawaan isku shaandhaynayaa Golihiisa wasiirada, Wasiirada qaarbaa Xilkooda waayaya halka qaar Wasaaradaha laga badalayo.

Ilo wareedyo aad ugu dhow Madaxtooyada Puntland ayaa Puntlandi.com u sheegay in Qorshahaan uu Madaxweynuhu ku dhaqaaqi doono dhowaan.

Puntlandi.com
Garowe

<