Dowlada Federaalka oo la ogaadey iney aqbashay dib u dhiga Kiiskii Bada

Warar rasmi ah ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka iyo Kenya ay si hoose isugu afgarteen in Soomaaliya ay Kenya u ogolaato in dib loogu dhigo Kiiska.

Warar rasmi ah oo Puntlandi heleen ayaa xaqiijinaya in Kulan Adis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo, Uhuru Kenyata iyo Raysal Wasaare Abiy Ahmed lagu dhaweeyey Kiiska in dib loogu dhigo Kenya.

Wararka kale ee aan helnay waxay sheegayaan in Fowlada Federaalku ay qarinayso iney iyagu aqbaleen in Kenya laga yeeli codsigooda.

Waaa markii u horaysay ee ay soomaaliya u ogolaatay ama u dabacsanaato Kenya inta uu Kiiskaan socday.

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa todobaadkii hore ogaatay in waanwaantaa. Dib loogu dhigay Kiiska ay Adis Ababa ka dhacday intuu Madaxweyne Farmaajo ku sugnaa Adis ababa

Puntlandi.com
Adis Ababa

<