Breaking News— Itoobiya oo waan waan ka dhex wada Soomaaliya iyo Kenya, Kiiska Bada oo Dib loo dhigayo

Raysal wasaaraha Itooboya Abiye Ahmed oo dhowaan ku guulaystay Bilada Nabada ee Nobel Peace Prize, ayaa wuxuu waan waan isfahan iyo mid nabadeed uu ka dhex wadaa Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenya.

Bilada Nabada ee Abiye Ahmed ayaa ku dhiiri galisay inuu ka shaqeeyo Amaanka Geeska Afrika wuxuuna fursad qaaliya u arkaa inuu Xaliyo Khilaafka Villa Soomaaliya iyo Nairobi, wuxuuna ka dheeraanayaa wax walba oo Amaan xumo ku saabsan.

Kenya ayaa aad usoo dhaweysay Dadaalka Abiye Ahmed, waxaana Adis Ababa seetamaankii hore ka dhacay kulan qarsoodi ah oo dhex maray labada Madaxweyne, Waxaa sidaas Puntlandi.com u xaqiijiyey ilo Dublamaasi.

Kiiska Bada ayaa ah muranka ugu weyn ee dhexyaal Soomaaliya iyo Kenya, Khilaafyada Siyaasadeed ee u dhexeeya Maamulka Madaxweyne Farmaajo iyo Kenya Ayaa waxay ku salaysan yihiin Khilaafka Siyaasadeed ee ka jira Gudaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya labaduba si hoose oo qodo dheer ayay ula socdaan Arimaha Siyaasadeed ee Villa Soomaaliya iyo Jubbaland,marka labada Khilaaf ayaa laba loo kala qaadey labo.

Khilaafka Bada

Khilaafka Bada ee Kenya iyo Soomaaliya waa mid soo jiitamayay tan iyo dabayaaqadii Xukuumadii Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ilaa hada ,Labadii Xukuumadood ee Dalka soo maray iyo Xukuumada Madaxweyne Farmaajo waxay isku meel ka istaageen Kiiska Bada, Mana jirto wal wal hada laga qabo in Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ay jid kale oo Kenya u danaynaysa ay u leexiso Kiiskaan, Laakiin Khilaafka Siyaasadeed ee labada dhinac ayaa wuxuu dhawac weyn ku yahay Rajadii Soomaaliya waayo Kenya waxay marwalba ku dadaalaysaa in Kiiska lagasoo wareejiyo Maxkamada Aduunka si muranka usii jiitamo ayna Bada la isku haystaa u noqoto goob lagu maran San yahay, Danta Kenya ugu jirta Kiiskoo sii jiitama ayaa lagu macneeyey inay tahay , Intay ku guuldaraysan lahaayeen Kiiska waxaa u Dhaanta inuu waligiis sii taagnaado Kiisku oo uu sii jiitamo, Khilaafka Siyaasadeed ee labada dhinac ayaana fursad weyn doonaya Kenya waayo wuxuu sahlayaa in Kenya ay hesho marmarsiiyo Kiiska dib loogubdhigo, waana mida aysan fahan saneyn xukuuamda Soomaaliya.

Khilaafka siyaasadeed

Kenya iyo Itoobiya labaduba waxay aamin San yihiin in Muranka Siyaasadeed ee Kenya iyo soomaaliya uusan ahan mid u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee uu yahay mid u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Kenya, sababatoo ah Kenya waxay diiday in Madaxweyne Farmaajo uu Kenya u isticmaalo Axmed Madoobe halka Itoobiya ay ogolaatay inay Dalka ka eryaan, Xukunkana uga qaadaan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Sheikh Xasan, waxay kaloo Itoobiya ogolaatay inay isku dayaan inay Xukunka ka ridaan Axmed Madoobe laakiin taas waxaa gaashaanka ku dhuftay Kenya,

Hadaba damaca Abiye Axmed uu ku doonayo inuu kororsado dhibcaha uu ku helay Nobal Price ka ayaa wuxuu yahay in Madaxweyne Farmaajo uu ogolaansiiyo inuu Kenya La heshiiyo, Haduu la heshiiyo Kenya wuxuu ootamaatik ula heshiinayaa yaa Axmed Madoobe.taa badalkeeda Madaxweyne Farmaajo wuxuu xubin buuxda ka noqonayaa Club-ka Abiye iyo Uhuru, Geeska Afrika oo uu ka noqonayo Ninka u horeeya oo la cusumo mar walba oo club-kaan uu Xaflad leeyahay, Waxaa kaloo laga caawimayaa inuunDoorashada soo socota uu mar kale ku guulaysto, waana khatarta laga cabsi qabo in Kenya ay xitaa dhinaca Bada uga faa’iideysato balan qaadyada loo sameynayo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa hada Adis Ababa ka socda Dadaal uu wado Abiye Ahmed oo mar kale lagu kulan siinayo Farmaajo iyo Uhuru.

Puntlandi.com
Adis Ababa

<