Kulankii Deni iyo Odoyaadha Dhaqanka Jubbaland

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa oo Axad 13.10/2019 wuxuu la kulmay Odoyaadha Dhaqanka Jubbaland oo ay is Xog wareysteen.

“Reer Jubbaland aad ayaa u nasiib badan yihiin, Jubbaland waa meel Soomaali oo dhan ay degan tahay, waa deegaan Qani ah Dhul iyo badba, waxaa la idiinla baahan yahay inaad gacmaha is qabsataan oo aan cidna idin soo dhex galin, idinkaa isku filan ee ka shaqeeya midnimadiina iyo Amaankiina” Madaxweyne Deni ayaa saas yiri.

Kulanka ayaa aad looga hadlay sidii odoyaashu uga qayb qaadan lahaayeen dhameystirka Dowladnimada iyo suluxaynta Khilaafyada soo kala dhex gala Siyaasiyiinta.

Madaxweyne Deni “Puntland waxay ku dhisan tahay Odoyaadha Dhaqanka, Waa masiirka Puntland iyagaa xaliya khilaaf walba, khaasatan Xiliga Doorashada, Way ku Amaanan yihiin, Jubbaland waa iney sidaas noqotaa”

Odoyaadha Dhaqanka Jubbaland ayaa dhankooda u mahad celiyey Madaxda iyo Shacabka Puntland oo xili walba oo Jubbaland u baahato taageero la Garab taagan.

Hoos ka daawo Sawirada

<