Faahfaahin Weerarkii Xarunta Xalane, 3 Qof oo rayid Soomaali ah oo ku geeriyooday

Warar hordhac ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen Ilo Dublamaasiyadeed ayaa noo xaqiijiyey in Sadex Qof oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen Weerar Hoobiye oo maanta lagusoo qaadey Xarunta hoyga u Beesha Caalamka ee Xalane.

Dadka ku dhintay weerarka ma ahayn Dad degan ama ka shaqeeya, Sida naloo xaqiijiyey.

Dhawac dhowr Qof ah ayaa isna jira, iyo waxyeelo soo gaartay mid kamid sh dhismayaasha Ciidamada Amisom.

Sida naloo sheegay Dadka ku waxyeeloobay weerarka ayaa waxay taagnasyeen meel banaan ah oo u dhow Dhismaha uu haleelay Hoobiyuhu.

Shaqaalaha Amisom iyo Kuwa Qaramada Midoobey ayaa durba ka Gabaday Hoobiyayaasha iyaga oo galay dhidme dhulka hoostiisa ah oo lagu gabado.

Wali Amisom ama QM midna kama hadlin weerararka, Dhinaca kalena Cidna wali ma sheegan iney ka dambeeyasn iyo ujeedkooda.

Ugu yaraan 5 Madfac ayaa waxaa lagusoo tuuray Xalane, Badankoodu meelo banaan ah oo ka baxsan Xayndaabka Xalane ayay ku dheceen.

Weerarkaan wax saameyn ah kuma yeelan shaqada Garoonka Diyaaradaha Aaden Cade International oo aan ka fogayn goobta la weeraray.

Puntlandi.com
Muqdisho

<