Ciidamo hor leh oo Taliyohooda iyo Gaadiidkooda wata oo kasoo goostay Soomaaliland

Gobolka Sanaag waxaa bilahaan ka socdey kacdoon ka dhan ah Maamulka Soomaaliland, waxaana jiray Masuuliyiin kasoo quustay Maamulkaas oo isagasoo tagay.

Korneyl Mustafa Siciid Toor iyo Ciidankii hogaaminayay oo kamid ahaa Ciidanka Difaaca Soomaaliland ayaa waxay iminka kusoo biireen Dowlada Puntland, waxayna la kummen soo dhaweyn diiran oo ay Shacabka Deegaanka iyo Maamulkuba u sameeyeen.

Ciidankaan ayaa Saldhigoodu ahaa Magaalada CeelbuUG, iyaga iyo gaadiidkooduba Way isagasoo tageen Soomaaliland.

Askari kamida Askastaan ayaa yiri.,,,

  • Waxaan nu nahay Ciidan Qaran shaqadayaduna waa difaaca Shacabka, Shacabkuna iyaa na hagaya, rabotaankooda ayaa u batay Dhinaca Puntland taasaana keentay inaan fulino rabitaankooda, Dowlada Puntland oo aan qaybbka nahay hada waan u mahadcelinayaa, iyagaana looga fadhiyaa hawlgalinta Ciidankaan”

Ciidanka ka isaga yimid Soomaaliland waxay waysan Gaadiidkooda iyo agabka Ciidanka ee ay heysteen, Waxayna si rasmi ah uga mid noqonayaan Ciidanka Difaaca Puntland.

 

Hoos ka daawo Sawirada 

 

<