War Deg Deg ah— Waftigii Kenya oo soo caga dhigtay Kismaayo , Sawiro

Wafdigii Dowlada Kenya ay usoo dirtay Ka qaybgalka Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa iminka waxay kasoo degeen Kismaayo.

Wafdiga waxaa hogaaminaya Gudoomiyaha Xisbiyada Aqlabiyada heysta Baarlamaanka Kenya Aaden Barre Ducaale waxayna ka kooban yihiin 38 xubnood oo isugu jira Saraakiil sarsare, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya iyo Ganacsato.

Waa Wafdigii ugu Xuska ee Dowlada Kenta ay usoo dirto tan iyo burburkii Soomaaliya.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Xalay waxay isku dayday iney horistaagto Wafdigaan waxayna soo saareen Amar lagu hor istaagayo Amarkaan ahaa in aysan Kismasyo soo caga dhigan Karin Diyaarad ka yimaada Kismaayo, Laakiin cidna uma dhag jalaq siin Amarkaas.

Sawirada hoos ka daawo

<