Breaking News—Safiirka Kenya ee Soomaaliya oo Villa Soomaaliya looga yeeray

Kadib markii ay Kenya jabisay Amar Xalay kasoo baxay Dowlada Federaalka Ayaa Xukuumada Federaalku waxay u yeertay Safiirka Kenya ee fadhiya Muqdisho.

Ilo wareedyo ku sugan Villads ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey in loo yeeray Safiirka.

Xalay ayay Xukuumada Federaalku ay soo saareen Amar lagu manuucayo Duulimaadyada ka imaanaya Kenya ee tooska ugasoo degaya Kismaayo, Amarkaas waxaa jabiyey oo iska dhaga tiray Diyaarad sidey Aaden Bare Ducaale oo ah mid kamida raga ugu Awooda Badan Dowlada Kenya iyo Wafti uu hogaaminayo, taasaana keentay in Villa Soomaaliya ay u yeeray Safiirka Kenya.

Lama oga sababta waxaase loo badinayaa in Villa Soomaaliya ay Xiriirka u jari doonto Kenya.

Puntlandi.com haka dheeraan si aadbu hesho warar sugan oo rasmi ah,

Puntlandi.com
Kismaayo

<