Breaking News— Kenya oo si ulakac ah u jabisay Amarkii Dowlada Federaalka

Diyaarada sida Wafdiga Dowlada Kenya ayaa waxay soo gashay Hawada Soomaaliya waxayna goor dhow soo caga dhiganaysaa Kismaayo.

Masuuliyiinta soo dhaweynaya Wafdiga ayaa waxay iminka ku sugan yihiin Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Waxaa cad oo muuqata in Dowlada Kenya aysan wax Sareen ah aysan siin Amarkii Xalay kasoo baxay Muqdisho oo manuucayay Diyaaradaha tooska uga imaanaya Kenya oo kasoo degaya Kismaayo.

Macada talaabada xigta ee Villa Soomaaliya ay qaadan doonto iyo inta ay awoodeedu gaarsiin doonto.

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay hayaan ayaa sheegaya innDowlada Jubbaland ay ogolaansho buuxda diidey Kenya in ay Deegaanada Jubbaland iyo Hawada Jubbaland ay isticmaalaan.

Puntlandi.com
Kismaayo

<