Wafti balaaran oo Kenya laga sugayo xili DF ay u dacwootay Safaarada Kenya

Iyadoo ay Dowlada Federaalku ay shalay waraaq dacwo iyo hanjabaad ah ay u gudbisay Safaarada Kenya ay Muqdisho ku leedahay ayaa hadana Waxaa Kismaayo kusoo wajahan Wafti matali doona Kenya oo ka qayb galaya Caleema Saarka Madaxweyne Madoobe.

Xukuumada Federaalku waxay Warqad Dacwo ah usii dhiibeen Safiirka Kenya, warqadaasoo ku socotay Kenya, Waxyaabaha ku Qaran Warqada waxaa kamid ahaa..

  • in Ay Kenya kusoo xad gudubtay Hawada Soomaaliya oo Diyaarad Kenyan ah ay soo gashay Kanasoo Degtay Soomaaliya iyadoon ogolaansho haysan, Arintaas Soomaaliya uma dulqaadaneyso, mana Aqbalayso in Hawadeeda,Dhulkeeda iyo Badeeda la iskasoo galo.

Dacwadii taas ka horaysay ee ay Dowlada Federaalku u dacwo tagtay Qaramada Midoobey waxay Kenya kusoo jawaabtay sidaan …

  • “ Wadan walbaa isaga ilaashada Hawadiisa, wadan wadan kale uma ilaaliyo Hawadiisa, Diyaaradaan Soomaali ayaa wadatay wax qaladana Kama aysan galin Dalka Kenya”.

Hadaba waxaa Kismaayo laga sugayaa Wafdi heer Xildhibaan iyo Ergo kale ah oo Reer Kenya ah si ay uga qayb galaan Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Puntlandi.com
Kosmaayo

<