Safarka Madaxweyne Deni wuxuu Wajigabax ku yahay Villa Soomaaliya

????????????????????????????????????

Madaxweynaha Dowlada Puntland wuxuu saaka sitoosa ugu duulay Kismaayo si uu isu Garab taago Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uuna uga qayb galo Xaflada Caleema saarkiisa.

Safarka Madaxweynuhu wuxuu yimid iyadoo Dowlada Federaalku ay sheegeen inay xireen Hawada Kismaayo, laakiin awoodaa ay sheegteen Villa Soomaaliya waxaa horay u kashifay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo Madaxweynihii Hore er Galmudug Cabdikariis Guuleed kadib markay Diyaarad kasoo qaateen Nairobi oo ay si toosa uga degeen Kismaayo”.

Hadaba Safarka tooska ah ee Madaxweyne Deni uu maanta ku aadey Kismaayo waxay Muujinaysaa oo meesha ka saaraysaa Hawadi ay Dowlada Federaalka sheegeen iney Xireen.

Safarka Deni wuxuu kaloo cadeynayaa in Hawo la xiri karaa aysan jirin ee shirkadaha Diyaaradaha Soomaalida oo aan ka maarmi Karin Garoonka Aaden Cade uunbaa la amray inaysan tagin Kismaayo.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa gacanta ku haya Amisom, dabcan Amisom Way u hogaansamaysaa Amarka Dowlada sidaas awgeed ayay Shirkadaha Diyaaradaha Soomaalidu ay iyana ugu hogaansameen Amarkaan, waayo shirkadii diida Amarka Villa Soomaaliya waxaa la marayaa Amisom inay ka xanibaan Garoonka Diyaaradaha Aaden Cade, waa Awooda qura ee ay Dowlada leedahay.

Puntlandi.com
Kismaayo

<