Madaxweyne Deni “ Waxaan saaka u duulayaa Kismaayo”

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo hadal yar ka jeediyey saaka Garoonka Diyaaradaha Garowe ka hor intuusan u Duulimaadyada Kismaayo, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu Kismaayo uga qayb galayo Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha ayaa la dardaarmay Saraakiisha Amaanka ee Puntland ka hor intuusan u Duulimaadyada Kismaayo.

Madaxweyne Deni wuxuu kaloo sheegay in Jubbaland ay ka dhacdey Doorasho sharci ah oo lagu doortay Madaxweyne islamarkaasna uu ka qayb galayo Xaflada lagu Caleema saarayo Madaxweynayaasha doortay.

Wuxuu kaloo sheegey in uu Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Wafuuda kale ee imaanaysa Xaflada ay kawada hadli doonaan Arimaha Soomaaliya.

<