Dowlada Federaalka oo Axmed Madoobe iyo Dayuuradiisa ku Dacweeyey Kenya, Warqad Dacwo ah oo Safiirka Kenya loo geeyey maanta

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Warqad dacwo ah oo ku socota Kenya waxay gacanta kasaareen Safiirkooda jooga Soomaaliya Amb.Lucas Tumbo, Waxaa sidaas ogaadey Puntlandi.com.

Xukuumadu waxay Kenya ku eedeynayaan Diyaarad Dalkooda laga leeyahay oo aan ogolaansho heysan ayaa Hawada Soomaaliya isaga Gooshaysa, iyadoo Xukuumada Federaalku sii raacisey in Diyaaradaan ay si sharci daro ah kusoo gashay Hawada Soomaaliya 5 tii bishaan Oktobar.

Dacwadaan ay hada u gudbiyeen Kenya waxaa ka horaysay Dacwad ay Villa Soomaaliya u gudbisay Hay’ada Caalamiga ah ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Hawada. Tasoo durba ay Kenya ka jawaabtay.

Axmed Nuur oo ah Siyaasi ku xeeldheer Arinaha Dublamaasiyada wuxuu yiri” waxba Qaldan, Markii horeba waxay ahayd in ay dacwadaan u gudbiyaan Kenya qudheeda laakiin hadiiba ay Qaramada Midoobey ay u dacwoodeen ,Maxaa keeney in Safiirka loo dacwoodo””

Dacwadaan ayaa timid ka dib markii Diyaarada Dowlada Jubbaland ay isaga gooshtay Kismaayo-Bosaso iyo Garowe.

Dhanka kelana Siyaasiyiinta Hogaamiya Xisbiyada mustaqbalka Dalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ka Madaxbanaan Villa Soomaaliya ayaa kulan uga socdaa Kismaayo, waana sababta keentay Dacwadaan cusub, Kenya qudheedu Way u dhuun dalooshaa meesha dacwadu ka socoto.

Puntlandi.com
Kismaayo

<