Daawo Madaxweyne Sheikh Shariif oo sidii Deni loosoo dhaweeyey

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed Markuu maanta Kismaayo Yimid waxaa loosoo dhaweeyey sidii Halyey bilad usoo hoyiyey Jubbaland, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo qoslaya ayaa Diyaarada uga hortagay si gaarana u salaamay.

Sheikh Shariif bishii hore ee Septembar ayaa laga celiyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho isagoo Turkiga ka yimid oo u badalanayay Diyaarad Kismaayo kusii jeeda, Tan iyo maalintaas wuxuu halgan ugu jiray sidu Beesha Caalamka iyo Umada Soomaaliyeed uu u tusi lahaa in Villa Soomaaliya ay ka gardaran yihiin Axmed Madoobe, aakhirkiina wuxuu ku guulaystay in Beesha Caalamku ay Canaantaan Villa Soomaaliya.

Caleemo qoyan ayaa lagusoo dhaweeyey markuu Kismaayo soo caga dhigay.

Waxaa safarkiisa ku weheshay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo isna dhankiisa ka mid ah Dadka Garab istaagay Axmed Madoobe.

<