Daawo Fadeexadii shalay ee Barlamaanka iyo Xildhibaan Fiqi : – ” Farmaajo dariiqii hore loogu jabay iyo Heeso ayuu doortay “

Haddii looga gol-lahaa furista madaxweynaha kalfadhiga Barlamaanka (Golaha Shacabka) inuu xildhibaanada la hadlo taasi am dhicin oo wuxuu la hadlay xoogagiisa wadaniyiinta loogu magac-darey weliba qeybta Hawenka oo heeso la soo xifdisiiyey.

Balse waxaan aaminsanahay in xildhibaanadii labada gole ay la hadleen maantey madaxweynaha una gudbiyeen fariin culus haddii uu sidaas u fahmey waayo 329 xildhibaan oo ay aheyd In ay goobta joogaan Waxaa xaadirey tiro ka yar 40 xildhibaan.

Madaxwyne Farmaajo wuxuu doortay inuu qaado wado laga soo gudbey, lagu habaabey laakin dadka Soomaaliyeed waxey rabaan wado taas ka duwan.

War dhafoor ayuu ku yaallaa!

Daawo Xoogagii Wadaniyiinta ( Guul wadayaasha Cusub ) Golaha Barlamaanka ka dhex heesaaya

<