Shir lagu casumay Maamul Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay, yaa ka maqan

Shir lagu magacaabo Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo Muqdisho ka furmay maanta ayaa waxaa madasha ka maqan Puntland iyo Jubbaland.

Puntland waxay sheegtay in maadaama uusan jirin Xiriir ka dhexeeya Garowe iyo avislæsere Soomaaliya aysan Shirka kasoo qayb galeen,waxaa weheliya sababaha Puntland ay u qaadacday in Jubbaland ay ka maqan tahay.

Tani waxay noqonaysaa culays hor leh oo soo food saaray Dowlada Federaalka waayo waxay muujinaysaa in Soomaaliya aysan wali diyaar u ahayn in Dowlada Dhexe lagu aamino Deeqaha Beesha Caalamka.
Shirka waxaa ka maqan Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Shirka ma ahan mid heer Madaxweyne ah ee waxaa kasoo qayb gali lahaa Wasiirada Maamulada Dalka.

Puntland waxay maanta qoraal u dirtay Wadamada Daneeya Arimaha Soomaaliya iyagoo u sharaxaad halka xaaji marayo maanta iyo Guud ahaan Xaalada Soomaaliya.

Puntlandi.com
Muqdisho

<