Gabar Soomaali ah oo BBC World u shaqaynaysay oo geeriyootay

Hanna Yusuf waxay ka mid ahayd Joornaalistayaasha BBC qaybta Ingiriiska, Waxay ku hadli jirtay lix luuqadood, Shalay ayay ku geeriyootay Magaalada London sida ay sheegeen Qoyskeeda, Laakiin Lama shaacin waxa sababta u ahaa Geerideeda, waxaase loo badinayaa iney Xanuunsaneyd.

Hanna Yusuf oo 27 jir ah waxay kusoo caan Baxdey dhowr Barnasmij oo dabagal ah oo ay BBC u sameysay, waxay kaloo caan ku ahayd oo ay Wax ka qortay kaalinta Shaqada ee gabdhaha Xijaabka qaata.

Alla naxariistii haka Waraabiyo Hanna Yusuf.

Fiiri gaara: Hanna Yusuf uma aysan shaqayn qaybta Afsoomaaliga.

<