Breaking News—Xukuumada Raysal wasaare Kheyre oo Kiis Adag laga gudbiyey, Shir Wayne Siyaasadeed oo deg deg ah oo qaban qaabadiisu ay socoto

Maamul Goboleedyada, Xisbiyada iyo Siyaasiyiin Miisaan ku leh Soomaaliya ayaa lagu wada iney isugu yimaadaan kulan deg deg ah oo looga xaajoonayo Xaalada Dalka.

Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com ay Xog hoose ku hayso waxaa Beesha Caalamka ee dhaqaalaha ku bixiya Soomaaliya lagu wargaliyey Dambiyada loo heysto Xukuumada oo ay ugu horeyaan ku tumashada Sharciga iyo Kaligiis talisnimo ay weheliso Musiqmaasuq la musuq maasuqay Maalaayiin Dollar oo deeq bixiyaashu ugu deeqeen Soomaaliya oo ay Xukuumadu wado qaldan ku isticmaashay, waxaa intaas raacsan gabi ahaan iyadoo Lacago laaluush ah lagu ciryaamiyey shaqadii Hay’adihii Dalka, sida Hay’adii Sharci dejinta Dalka oo aan haba yaraatee aan hada shaqayneyn.

Burburinta Maamul Goboleedyada ayaa iyana lagu eedeeyey Xukuumada.

Xukuumada Kheyre waxaa lagu eedeeyey oo kale in Xukuumadu ay gabi ahaanba tirtirtay wadadii loo mari lahaa Doorashada loo igmaday iney qaban qaabiso ama jeexdo wadadii lagu gaari lahaa Doorasho Xor ah, Waxayna badalkeeda wadaan iskadabawareeg wakhtiga lagu luminayo.

Sidaaan Xogta ku heyno waxaa Muqdisho, Garowe iyo Kismaayo ka socda qaban qaabada kulan weyn oo wada tashi, kasoo lagu wado in lagusoo jeexo Siyaasad cusub oo Doorasho lagu gaaro.

Puntlandi.com
Muqdisho

<