
Waxaa maalintii shalay oo ku beegneyd Sabti 28.09.2019 ka dhacday magaalada Muscat ee Caasimada Dalka Cumaan Xaflad aad u balaaran oo kulmisay Isimo,Aqoonyahano,Waxgarad iyo Shacbi badan oo reer Cumaan ah oo asalkoodu ka soo jeeda dhulka Somaaliyeed ee Puntland iyo marti sharaf aad u farabadan oo ka kala timid Dunida daafyaheeda.
Munaasabadaas oo loogu dabaal degeyey si weyne loogu soo dhaweeyey Arooska Mudane Samatar Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi ( Morgen ) iyo Marwo Maryan Jeneraal Axmed Salebaan Cabdalle ( Dafle).
Munaasibadaas farxada Arooska oo intii ay soctay lsgu soo laga soo jeediyey khudbado Hamblayo iyo Ducooyin xambaarsan ayaa ugu danbeyntii lagu soo bandhigay Sugaanta Dhaqanka – Guurka ee labda Dal ee Somaaliya iyo Cumaan.
Hogaanka sare ee Midowga Jaaliyadaha Puntland iyagoo ku hadlaaya magaca Shacbiga iyo dhamaan Qurbo joogta Puntland waxay Hambalyo iyo Duco u dirayaan Mudane Samatar Jeneraal Morgen iyo Maryan Jeneraal Axmed Saleebaan.
” Reerkii lagu nasto ee lagu nagaade,Wadajiree Nabad gala Allayow idinka yeel “