Sheikh Shariif, Xasan Sheikh iyo Cali Mahdi oo showray, Kuna heshiiyey iney Kismaayo u Safraan

Sadex Madaxweyne hore iyo Xildhibaanada Beesha Mudolood ayaa kulan xasaasi ah waxay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud, Madaxweynihii hore Sheikh Shariif Sheikh Axmed Iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa kulan waxay ku yeesheen Hoygauu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Sida Puntlandi.cim ay Xogta ku heleen waxay Asuuliyiintu ka arinsanayeen Xaalada Dowlada Federaalku ay u dhaqanto iyo sidii ay ka yeeli lahaayeen hadii ay marlabaad dhacdo falkii Todobaadkii hore loogu geystay Madaxweyne Shariif Madaarka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Sida Puntlandi Xogta ku hayo waxay Masuuliyiintaan wada falanqeeyeen Waa sida hadalka loo dhigay Ixtiraam la”Santa Villa Doomaaliya.

Masuuliyiintaan dhigay ayaa isu diyaarinaya inay u safran Kismaayo oo lagu casumay,waxayna ka cabsi qabaan in la isku dayo in laga hor istaago.

Wararka aan helayno waxay sheegeen in Sadexdaan Masuul iyo Xildhibaano ay Diyaarad u kiraysanayaan Kismaayo dhowaan. Ayna saas go’aansadeen.

Puntlandi.com
Muqdisho

<