Sawiro- Jarmalka oo markale balan qaadey Dhismaha Wadada Garowe iyo Gaalkacyo isku xirta iyo Mashaariic kale , Wafdi Jarmalka oo Garowe soo gaaray

Wafdi ka socda Dowlada Jarmalka ayaa soo gaaray Garowe si ay Puntland ugala xaajoodaan Mashaariic Jarmalku igu deeqay Puntland.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Wafdiga kusoo dhaweeyey Garowe kadibna kulan kula qaatay Madaxtooyada.

Wafdiga oo ay weheliyeen Xubno ka socda Safaarada Jarmalku ku leeyahay Soomaaliya ayaa waxay Puntland u keeneen Mashaariic horumarineed.

Sida Ay Warbaahinta Puntlandi.com ay warka ku heshay waxaa Mashaariicda kamid ahMashuuraca lagu dayac tirayo wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo.

Mashruucaan oo ay Dowlada Jarmalku ay horay ugu deeqay Puntland ayaa Xukuumadii hore ee Madaxweyne Gaas ay si qaldan oo Musuqmaasuq wata ay u maareeyeen taasoo ka caraysiisay Jarmalka kadibna ay dib ula laabteen.

Xukuumada hada ayaa horay Dowlada Jarmalka ugala Hadashayb in dib loosoo cesho mashruuca iyagoo muujiyey kalsooni buuxda iyo in ay Puntland uusan Musuq maasuqbdambr ka dhacayn.

Waxaa hada muuqata in Dowlada Jarmalka iyo Puntland ay kawada shaqaynayaan fulintq Madhaariicdaan si kalsooni ah.

Hoos ka daawo sawirada kulanka

<