Iimaan Cadow Kaarshe Oo Muqdisho lagu xiray, Maxaa loo ugaarsan waayay kuwa Axmed Madoobe la Beesha ah

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa lagu xiray maanta Gudoomiyihii Degmada Garbahaaray Iimaan Cadow Kaarshe oo Kismaayo kusoo jeeday.

Cadow waxa uu kamidka yahay raga ay aadka isugu dhowyihiin Madaxweyne Axmed Madoobe Siyaasad ahaan, Xarigiisuna wuxuu muujinayaa in hal Beel lagu bar tilmaamadaystay Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Afmadow oo la Beel ah Axmed Madoobe iyo Saraakiil kale oo sarsare ayaa shalay Muqdisho maray ouagoo kusii jeeda Kismaayo, wax xarigana looga gaysan.

Bishii hore waxaa isna Diyaarad lagala degtay Wasiirki Amniga Jubbaland oo Reer Gedo ahaa, halka Wasiirkii Shaqaalaha Jubbaland aan far la saarin.

Puntlandi.com
Kismaayo

<