Breaking News-Ninkii ay Booliska Kenya ay baafinayeen oo noqdey Masuul Shabaab ah oo DF ay sii daayeen

Mudo dhowaad ayaa Wasiirka Amniga Dowlada Federaalka wuxuu sheegay in ay gacanta ku dhigeen Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo ay sheegeen inuu ahaa Madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Magaalada Muqdisho.

Hada Booliska Kenya ayaa shalay waxay soo saareen wareegto lagusoo qabanayo Cabdiwaaxid Khaliif oo ay sheegeen inuu Kenya soo galay 26”4 kii bishaan Septembar, tafaasiil kama aysan bixin Boolisku.

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa ogaatay in ninkaan ay Booliisku raadinayaan uu bil ka hor soo galay gacanta Dowlada Federaalka, uuna xiraa.

Lama oga qaabka uu kusoo galay Kenya iyo sababta ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ay usoo daayeen.

Hadii ay xaqiiqowdo in uu ninkaan ku jiray gacanta Dowlada Federaalka iminkana uu si fora ku galay Kenya, waxaa imaanaya su’aalo u baahan jawaab sax ah iyo baaritaan hufan.

Puntlandi.com

<