Xisbiga Wadaniga Soomaaliyeed oo Xarun ka furanaya Muqdisho

Hogaamiyaha Xisbiga Wadaniga Soomaaliyeed Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa ku dhawaaqay in 6 Oktobar uu Xisbigu furan doono Xaruntooda weyn oo laga fyæurayo Magaalada Muqdisho.

Raysal wasaaruhu hore ahna Madaxa Xisbiga ayaa wuxuu Caasimada u fodiyey taageerayaasha Xisbiga iyo intii daneynaysa inay dhagaystaan Siyaasada Xisbiga.

Xaflada furitaanka Xarunta Dhexe ee Xisbiga oo ka dhaxaysa Wadada Axmed Gurey ee Degmada Boondheere waxaa lagu casumay oo kale Masuuliyiin Cilal haya iyo kuwo xilal soo qabtayba.

Mudane Geedi wuxuu kaloo sheegay in Dalka Gudihiisa iyo dæDibadiisaba laga bilaabay isdiiwaan galinta Xisbiga wuxuuna yiri “ Waxaan ku wargalinayaa inaad Soomaaliyeed ee na tusse rabitaan iyo Kalgacal in hada la diray diiwaan galinta taageerayaasha Xisbiga Wadaniga Soomaaliyeed”

Xisbigaan oo ah Xisbi Siyaasadeed wuxuu qayb ka noqonayaa Hanaanka Asxaabta badan ee Dalka laga hirgalin doono.

Puntlandi.com
Muqdisho

<