Breaking News— Xog aan ka helnay kulankii New York ee Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya

Soomaaliya waxay dhankooda ay sheegeen in kulankii dhex maray Uhuru Kenyatta iyo Madaxweyne Farmaajo uu ahaa mid lagu xasilinayay Xiriirka labada dhinac oo waayadaan Xumaa, Kenya dhankeeda wali kama hadlin.

Laakiin Warbaahinta Puntlandi.con ayaa ilo Dublamaasiyadeed oo New york ku sugan ka ogaatay in Kulanka ay Kenya Dalbatay, iyadoo daba socota codsigoodii ay horay ugu direen Midowga Afrika ee ahaa in Midowga Afrika uu u u kala dabqaado labada Dal si Labada Dhinac ay ay iyagu si Afrikaanimo ah ay u dhameystaan Kiiska Bada isla markaasna lagasoo wareejiyo Kiiska Maxkamada Aduunka.

Hadaba Kulankii Xalay ka dhacay New York waxaa dalbadey Kenya, waxayna ka codsadeen Madaxweynaha Masar Cabdel Fattah al-Sis oo iminka ah Madaxa Midowga Afrika in uu ukala dabqaadi labada Dal uuna Soomaaliya kasoo dhameeyo in lafuri Wadahadal ay Masar hormuud ka tahay oo ku saabsan Muranka Bada.

Sida ay Warbaahinta Puntlandi ay helayaan Madaxweyne Farmaajo wuxuu ogolaadey in la wada hadlo.

Dublamaasiyiin aan la hadalka waxay noo sheegeen in Kenya tæay wakhti galisay in Kiiska Bada lagasoo cesho Maxkamada, Hadii Madaxweyne Farmaajo uu hada ogolaadey in lawada hadlaan ay qayb ka tahay ujeedkii Kenya.

Dublamaasi kale ayaa noo sheegay in Kenya aysan u ordayn Xiriir lasoo celiyo ee ay u ordeyso in Midowga Afrika lagusoo wareejiyo Kiiska ay labada dhinac ku muran San yihiin, hadii taas dhacdana waxay Soomaaliya uga dhigan tahay iyadoo laga guuleystay.

Dhinaca kale waxaa Cabsi weyn laga qabaa in Madaxweyne Farmaajo uu is dhex galiyo Kiiska Bada iyo muranka kala dhexeeya Axmed Madoobe , uuna Farmaajo u arko hadii Kenya uula heshiiyo inuu Axmed Madoobe ka adkaan karo.

Puntlandi.com
New York

M

<