Breaking News—Mooshin ka dhan ah Xukuumada oo qaban qaabadiisu ay Muqdisho ka socoto

Qaar kamida Xildhibaanada Federaalka ayaa Wada Abaabul ka dhan ah Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyagoo damacsan inay Mooshin ka keenaan Madaxweyne Farmaajo oo ay ku eedeeyeen Khiyaamo Qaran.

Ilaa hada macada Qodobka ay Adeegsan doonaan Xildhibaanadu iyo waxa ay tahay Khiyaamada Qaran ee ay ku eedeynayaan Madaxweyne Farmaajo.

Waxaan kaloo kala cadeyn tirada Xildhibaanada Mooshinka wada inta ay le’eg yihiin iyo Awoodooda.

Wararka ay Warbaahinta Puntlandi.com ay ka helayso Xulufaysiga Xildhibaanada waxay sheegayaan in ay wadaan kulamo ay kula kulmayaan Qaar kamida Xisbiyada Dalka ka jira iyo siyaasiyiin kale.

Waxaa maalmahaan Muqdisho ka jira walaahi laga qabo in Ciidamo Beeleedyo hubeysan ay ku dhex dagaalamaan Caasimada.

Puntlandi.com
Muqdisho

<