Askar wali lagu waysan yahay weerarkii Shalay lagu Xasuuqay Ciidanka Dowlada ee Ceel Saliini

Fariisin ay Ciidanka Dowlada ku lahaayeen Deegaanka Ceel Saliini ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa shalay weerar Gaadmo ah ku qaadey Al-shabaab.

Weerarka oo ku bilowday is qarxin Baabuur iyo weerar dhulka ah io Xiga ayaa la xaqiijiyey dhimashada 34 Askar, Halka Askar badan iyana lawaysan yahay.

Xukuumada Federaalku ilaa hada kama aysan Hadal weerarkaan laakiin Al-shabaab ayaa waxay sheegteen iney fuliyeen weerarka ayna la wareegeen Fariisinka iyo Qalabkii yaalay.

Mudo Sadex sano laga joogo ayay Al-shabaab waxay weerar noocaas ku qaadeen Fariisin ay lahaayeen Ciidamada Kenya oo ay Askar badan ku nafwaayeen.

Puntlandi.com
Muqdisho

<