Xisbiyaga Himilo Qaran oo Qoraal kasoo saaraya Falkii Madaxweyne Shariif loogu geystay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Sargaal ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran ayaa Warbaahinta Puntlandi u sheegay in Xisbigu uu Qoraal kasoo saari doono Falkii Madaxweyne Shariif loogu gaystay Garoonka Fiyaaradaha Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta loo diiday inuu Ka duulo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho si uu Kismaayo uga qayb galo Xaflada Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Sargaalka ka tirsan Xisbiga Himilo ayaa wuxuu sheegay in ay Lama aqbalaan tahay falkaan isla markaasna uu xisbigu Qoraal ku soo gudbinayo jawaabta ay ka bixinayaan.

Dowlada Federaalka ayaa waxay bilowday inay hor istaagto Martida uu Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubaland uu ku casumay Caleema saarkiisa.

Madaxweyne Shariif ayaa ah fikirkii ka dambeysay Aasaaskii Xisbiga Himilo

Waxaana saaka bilowday olole ay Villa Soomaaliya ku baarayso Nooca Dadka u safraya Kismaayo.

Puntlandi.com
Muqdisho

<