War Deg Deg Ah— Madaxweynaha Puntland oo aan wali isu diyaarin ka qaybgalka Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe

Eegada Caleema sarkayga imow Awoowgaa la gube,

Madaxweynaha Puntland ayaa u muuqda Mid aan ka qayb galayn Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo qorshaynaya inuu u diro Wafdi kale oo isaga Matala.

Warbaahinta Puntlandi.com oo u kuur gashay arintaan ayaa ogaatay inuusan jirin wax qaban qabo ah oo Madaxweyne Dani uu ku aadayo Kismaayo.

Shacabka Puntland iyo kuwa Jubbaland ayaa aad u suluugsan arintaan hadii uu Madaxweyne Deni uu diro Wafdi uusan isaga hogaaminaya.

Wararka aan Kismaayo ka helayno waxay sheegayaan in Madaxweyne Deni uu imaanaya Kismaayo balse Wax qaban qabo safar ah oo ka socda Garowe iyo Bosaso ma ay jirto ilaa hada.

Warar aan helayno waxay sheegayaan inuu Madaxweynuhu uu diray Wafdi kale si ay isaga ugu matalaan Caleema saarka.

Shirkii dhaqaalaha Soomaaliya ee Adis Ababa ka dhacay todobaadkii hore ayaa Puntland qadacday ka qayb galkiisa kadib markii ay Puntland ogaatay in aan la casumin Jubbaland,waxayna sharuud ka dhigeen in Ilaa Jubbaland la casumo aysan ka qayb galayn balse markii dambe Jubbaland sidaas ayay Shirka ugasoo qayb gashay, Puntland iyana Way ogolaatay.

Madaxweynaha La doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe si gaara ayuu u casumay Madaxweyne Deni inuu kasoo qayb galo Caleema saarkiisa.

Puntlandi.com
Bosaso[

<