Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya oo loo diidey inuu Kismaayo u duulo

Shariif Sheikh Ahmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho looga diiday inuu raaco Doyaarad kusoo jeedey Kismaayo.

Madaxweyne Shariif ayaa Kismaayo uga qayb gali lahaa Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.
Warar Dublamaasiyadeed oo aan hayno ayaa waxay sheegayaan in Villa Soomaaliya ay amartay in la hor istaago Masuuliyiinta ka qayb galaya Caleemasaarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweyne Shariif wali wuxuu ku xanibay yahay Muqdisho,waxaa sidaas yiri Saciid Yare oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Puntlandi.com
Muqdisho

<