Madaxweyne Xasan Sheikh “ Waa murugo in Hawadii ay Soomaaliya sugayo lasoo wareegideeda looga faa’iidaysto Arimo Siyaasadeed”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa jawaab kulul ka bixiyey falkii lagula kacay maanta Madaxweynihii isaga Xilka uga horeeyey Sheikh Shariif.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook wuxuu yiri “ Soomaaliya waxay sugaysay inay Hawadeeda lasoo wareegto Mudo 30 sano ah, waa xaalad Murugo leh in Dowlada ay u maarayso oo ay ka dhigato hub Siyaasadeed”

Hoos ka akhriso Qoraalka Xasan Sheikh


Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u diidey Madaxweynihii hore Sheikh Shariif inuu Kismaayo u duulo waxaana lagu hor istaagay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

<