Madaxweyne Deni oo Bosaso gaaray Xalay saqdhexe

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Wuxuu Xalay guure ku galay Bosaso, Safarkaan Madaxweynaha ayaa wuxuu qayb ka yahay safaro uu ku tagayo Gobolada Dalka.

Madaxweynuhu wuxuu Bosaso ku sugnaa doonaa mudo todobaad ah isagoo kulamo la qaadan doona Bulshada iyo Masuuliyiinta Gobolka Bari.

Wuxuu kaloo Bosaso kula kulmi doonaa Wafdi Ka socda Dowlada Emaaraatka oo dhowaan soo gaari doona Bosaso.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo intuu Bosaso joogo uu dib u dirayaa Mashruucii Balaarinta Dekada Bosaso oo dhowaan dib u bilaabanaya.

Puntlandi.com
Bosaso

<